Maxey tahay Sababta uu Deni u Diidan yahay inuu la Kulamo Wasiirka 1-aad

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somalia uu muddo ku mashquulsanaa sidii loo wada kulansiin lahaa Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, ayaa haatan doonaya inuu fursadaasi fa’iideysto, kadib markii iskudayo badan uu diiday Mr.Dani..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Diidmada Dani ay tahay Sir Shaac ah, oo sababtuna tahay ineysan Labada Mas’uul aysan yeelan kulan tan iyo bishii Juun markii Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay Mr.Xamse, iyadoo fursado dhowr ah uu ay ku kulmi lahaayeen waxaa ka maagtay Mr.Dani oo dagaal hoose kala dhaxeeyo Sheekh Axmed Madoobe.

Sida ay xaqiijiyeen ilahaani, Mr.Dani ayaa ka carooday in Kursigii uu ku haminaayay uu qaatay Xamse uuna weli la “nool yahay caradaasi” xitaa hadii laga soo gudbay Xiligii iyo xamaasadii doorashada, ku darsoo Dani ayaa isa siiyay Kursiga beesha ee ay Saami qeybsiga ku heshay mana jecleysan in Siyaasi kale oo aan isaga aheyn inuu Beesha metelo.

Me.Dani oo soo gaaray Shalay Galab Mogadishu, si uu uga qeyb galo kulanka Dowlada Federaalka iyo Maamulada, waxaan la ogeyn inuu la kulmi doono si gaar ah Wasiirka 1-aad inuu Tabashadiisa intii badneyd uu xaliyay Xasan Sheekh, hadana wuxuu doonayaa inuu ugu yaraan la siiyo in hadii la bedelo Wasiirka 1-aad xilkaasi lagala tashado.

221160cookie-checkMaxey tahay Sababta uu Deni u Diidan yahay inuu la Kulamo Wasiirka 1-aad