Siyaasiyiinta Waqooyiga Oo Eedeyn u Jeediyay Rooble

Somalia news

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta Waqooyiga Somalia ayaa si cad loogu sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray Doorashada Xildhibaanada iyo Senatorada ka soo jeeda degaanada Waqooyiga Somalia (Somaliland)…

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi ayaa sheegay iney soo bandhigeen wax kasta oo ay xal u arkaayeen laakin nasiib darro Mr.Rooble uusan la imaanin hindise dhexdhexaad ah oo xal u noqon kara is-mari waaga taagan, wuxuuna u xaglinaaya kooxda Villa Somalia iney boobaan dhamaan kuraasta.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Mr.Rooble uu ka baxay heshiiskii la gaaray iyo wada hadalkii socday, isagoo soo saaray in wakhtiga la qabanaayo Doorashada, goobta iyo Guddiyada maamulaaya, Garabkaan ayaa si cad u sheegay ineysan qeyb ka noqon doonin Doorashada uu ku baaqay Mr.Rooble iyo Garabka Villa Somalia.

133110cookie-checkSiyaasiyiinta Waqooyiga Oo Eedeyn u Jeediyay Rooble