Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii u dhaxeeyay Mr.Rooble & Farmaajo kaasoo ku aadanaa sidii heshiis looga gaari lahaa Khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii Eedeysane Fahad Yasin Agaasimihii hore ee Hey’adda NISA iyo xubno kale oo lagu Eedeeyay iney ka dambeeyaan Afduubkii iyo Dilkii Sarkaalada Ikraan Tahliil…
Iyadoo Wararka ah ay sheegayaan in Farmaajo uu oggolaaday dalabyadii uu soo jeediyey Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka kuwaasoo kala ah:-
-Magacaabista Gen.Bashiir Goobe Ee Hogaanka NISA.
-Magacaabista Wasiirka Amniga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.
-In Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamada Ciidamada si ay u baaraan go’aana uga gaaraan.
Farmaajo muxuu Qodobadan ku bedeshay:-
-In Xaalada la qaboojiyo oo uu dib ugu celiyo Ciidamada uu dagaalka u Abaabulay xeryahooda.
-In Xayiraadaha Dhaqaale iyo Warbaahinta laga qaado Madaxtooyada Villa Somalia iyo Maamulka Gobolka Benadir.
-In Saraakiisha NISA ee Shaqada ku jira lana saftay Farmaajo aan loo raacan Dembi kale loona daayo Shaqadooda ilaa Dambi lagu helo.
-In Fahad Yasin uu ku sugnaado Dalka Ethiopia inta baarista laga gungaaraayo oo Xilka loo magacaabay la hakiyo inta Maxkamada Ciidamada ay soo gunanadeyso Kiiska.