Qeylo Dhaan uu soo saaray La-Taliyaha xagga Doorashada ee Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo), Mr.Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu soo Tarxiilay Wakiilkiisii Oo Ololaha Doorashada u Qaabilsanaa..
Mr.Raage ayaa sheegay in Wakiilkiisii Oo Madax ka ahaa Ololihiisa Doorashada Ee Xildhibaan xalay la xiray, Saakayna la soo saaray Diyaarad Oo Loo Soo masaafuriyay Magaalada Mogadishu, Wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay In Qof aan dembi gelin lagu bartilmaameedsado cidda uu Taageersan yahay Siyaasad ahaan.
Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijin kara sheegashada iyo Eedaha uu doo jeediyay Mr.Raage, Isagoo horey u sheegay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Xildhibaan Ee beeshiisa, Iyadoo horey looga soo celiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo inkastoo markii dambe loo oggolaaday, lamana yaqaano qeylo dhaantaan ujeedada ka dambeysa, Warar ayaa sheegay inuu Dhaqaale Buuran ka soo qaatay Farmaajo.