Waxaa weli Magaalada Boosaaso ka taagan xiisad u dhaxeyso Ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland, taa oo xaalad hubinti la’aan ah ku keentay magaalada, iyadoo waanwaantii ay Odayaasha Dhaqanka wadeen aan laga gaarin natiijadii baajin laheyd in lagu dagaalamo gudaha Magaalada…
Xiisadan ayaa ka dambeysay, ka dib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni uu 24-kii bishii November uu xilka ka qaaday Agaasimihii Ciidanka PSF, Maxamuud Cismaan, isagoona xilkaasi u soo magacaabay Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr, ha yeeshee Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa sharci-darro ku tilmaamay tallaabada xilka looga qaaday, isla-markaana aanu u hoggaansami doonin.
Saraakiil ka tirsan hay’adda PSF ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano uu xilka wareejin doono, waxay sheegeen, in uusan weli jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray Maamulka iyo Qoyska Iska Hey’adda, balse ay jiraan xiriiro dhexmaray isaga iyo Saraakiisha Maraykanka laguna wargeliyay iney ka mid noqdaan Ciidamada Puntland, Hogaanka Hey’addaan ayaa horey u diiday iney Xoogagooda la hoos geeyo Maamulka Ciidamada Guutada Danab.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddigga amniga Gobolka Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo shir guddoomiyey shirka amniga Gobolka Bari ee Todobaadlaha ah, ayaa soo saaray Awaamiir ku aadan Amaanka Magaalada, wuxuuna ku eedeeyeen Villa Somalia iney carqaleydeyso Amaanka Magaalada si aysan Doorashada looga qaban.