Maxaa Hortaagan In Xal Laga Gaaro Kursiga Hop#067

Somalia news

Iyadoo ay soo idlaaday Mudadii tobanka maalmood ahayd ee Guddiga xallinta khilaafaadka u qabteen inay go’aan uga gaaraan muranka ka taagan #HOP067, waxaanse muuqan in go’aan laga gaarin Dacwada la xiriirta Kursiga la boobay….

Kursigan uu si boob ah uu ku soo baxay Madaxa KMG ah Ee NISA Yuusuf Cabdulaahi Maxamuud Farey, iyadoo Oday dhaqameedka saxiixaha kursiga uu ku tilmaamay doorashada kursigaas in aan loo marin habraacii saxda ahaa lana boobay, Guddiga ayaa la kulmay qeybaha ay saameyso kursigan waxaana laga filayaa inay go’aan ka gaaraan iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in go’aankan uu yahay mid lagu ogaanayo cadaaladnimada guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddiga ayaa hore waxa ay go’aan uga gaareen labo kursi oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo halka kursiga maanta la sugayo in lagu dhawaaqo natiijadiisa deegaan doorashadiisu ay tahay magaalada Dhuusmareeb maamulka Galmudug.

156010cookie-checkMaxaa Hortaagan In Xal Laga Gaaro Kursiga Hop#067