Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Sarkaal saameyn weyn ku lahaa Hey’adda NISA uu si dirqi ah uga baxsaday garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu, kadib markiii ay damceen iney horjoogsadaan Ilaalada NISA ee Garoonka Doyaaradaha isla markaasna ku fashilmeen…
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in kadib baxashada Eedeysanayaasha Fahad Yasin (Turkiga) Cabdullaahi Kulane -Jiis-Mareexaan- (Ethiopia), ayaa la sheegayaa in Sarkaalkii 3-aad Ee ugu awooda badnaa Hey’adda NISA Eedeysane Cabdullaahi Daahir (Cabdullaahi Dheere) alias Shaamil uu u baxsaday Dalka Djibouti isagoo wata Dukumentiyo muhiim.
Wararka ayaa sheegaya in Cabdullaahi Dheere intii uu ku jiray Garoonka diyaaradaha ay isku dayeen Xoogaga NISA iney qabtaan ama dilaan ayaa la sheegay inuu ka badbaaday, iyadoo Gurmad ay u fidiyeen Ciidamada Amisom iyo Sirdoonada Reer galbeedka isla markaasna geeyeen goob amaan ah gudaha hoteel ku yaal Xalane kadibna la saaray Diyaarad u socotay Dalka Djibouti.
Cabdullahi Dheere oo ka soo jeeda Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia [Kilinka 5aad] isla-markaana uu abti u yahay Horjoogihii hore ee Kooxda Argagixisada Shababka Axmed Cabdi Godane, ayaa la rumeysan yahay inuu ogyahya dhamaan jarriimooyinkii iyo gabood-faladii ay Iskaashatada Farmaajo iyo Fahad geysteen, waana mid ka mid ah sababaha beegsiga sababay.