Maxaa Xiligaan Keenay Khilaafka Baarlamaanka Galmudug

Somalia news

Maalmahaan waxaa soo shaac baxaayay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Gudoomiyaha Baarlamaanka & Xildhibaano ka tirsan Golahaasi, taasoo la sheegay iney salka ku heyso arrimo dhowr ah Oo is-biirsaday Oo ay ugu horeyso Dhaliilo loo jeediyay hanaanka Maamulka Qorqor…

Talaabadaasi ayaa horseeday in Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu qoraal u diro Wasaarada Maaliyada ee Maamulkaasi, kuna amro, in Gunnooyinka muddo labbo bilood ah laga jaro, 6- xildhibaan oo kala ah; Cabdulaahi Xirsi Maxamed (Gudoomiye Kuxigeenka), Axmed Cabdirisaaq Cabdulaahi, Cabdinaasir Aaden, Cabdiqaadir Cabdullaahi, Mursal Maxamed iyo xildhibaan Daahir Cabdi Shiiqow.

Qorqor ayaa amarkan bixiyay, isagoo jooga Magaalada Muqdisho, waana tallaabo muujineysa, in isaga iyo Farmaajo ay ka siman yihiin fikirka keli talisnimada ah, kaasoo uu dhaxalkiisu yahay dagaal sokeeye iyo burburka Nidaamka dhibka lagu soo dhisay.

159740cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Khilaafka Baarlamaanka Galmudug