Wasaarada Ganacsiga oo Ganafka ku Dhufatay Sheegasho ka timid Shirkad

Somalia news

Warar dheeraad ayaa laga helayaa diidmo ay Dawladda Somalia ku beenisay in Shirkadda MARU PORT ay siisay ogolaanshaha hubinta badeecadaha yimaada Dalka, Qoraalkaan ayaa soo shaac baxay kadib markii Madaxda Shirkadda Sheegteen in loo oggolaaday iney Baarto Badeecadaha..

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga ayaa uga digtay MARU PORT inay baaris sharciyad aysan u heysan sameyso Badeecadaha, iyadoo sheegtay in haddii ay ku kacdo ay ka qaadi doonto tallaabo adag.

Sidoo kale, Wasaaradda Ganacsiga ayaa sheegtay in dhowaan tartan daahfuran loo geli doono arrimaha la xariira baarista badeecadaha dalka yimaada, lana siin doono shirkadda ku guuleysata.

228050cookie-checkWasaarada Ganacsiga oo Ganafka ku Dhufatay Sheegasho ka timid Shirkad