Rooble Oo Loogu Baaqay Inuu Ka Bedelo Qorshihiisa Amni

Somalia news

Macluumaad hoose ayaa tilmaamaya in Mr.Rooble Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka uu si deg deg ah wax uga bedelay Qorshihiisa Amniga Xafiiskiisa iyo Hoyga uu ka degan yahay xeyndaabka Villa Somalia, kadib markii Af-hayeenkiisii lagu dhaawacay Fal is-miidaamin ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in guud ahaan Hanaanka shaqo ee Ilaaladiisa gaarka ah ee Amisom iyo Kuwa Dowladda uu wax ka bedelay, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay amnigiisa gaarka ah, isla-markaana go’aansaday dhaqan galinta talooyin amni oo uga yimid saraakiil sirdoon oo ajaanib iyo Soomaali isugu jira.

Khubaro Sirdoon ayaa ku wargeliyay Wasiirka 1-aad in Dhacdooyinkii Sanadkii tagay ( Dilkii Hibaaq Abuukar), Dilkii Agaasimihii Radio Mogadishu, Qorshihii Afgambi ee Fashilmay iyo weerarkii lagu dhaawacay Afhayeenkiisa ay ahaayeen qorshe horey loo dejiyay waxaana lagula taliyay inuu wax ka bedelo Amnigiisa.

163220cookie-checkRooble Oo Loogu Baaqay Inuu Ka Bedelo Qorshihiisa Amni