Maamulka Galmudug ayaa soo fasaxay maanta tiro kuraas ah ayna ugu muhiimsan yihiin Kuraasta Hop#048 iyo Hop#147, waxaana horey ugu kala fadhiyay General Cabdullahi Gaafow iyo Mahad Salaad, iyadoo Kursiga Xildhibaan Gaafow loo wareejiyay Qondo Dumar, Halka Kan Mahad Salaad ay ku tartamayaan 10-Musharixiin ah..
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Mr.Qorqor looga yeeray Villa Somalia laguna wargeliyay in Kursiga Hop#147 laga reebo Mahad Salaad, Mr.Qorqor ayaa ka dhego adeygay inuu fuliyo dalabyada Farmaajo & Fahad, wuxuuna si cad u sheegay in Kursigaasi uu tartan furan gelin doono.
![](https://diinah.com/wp-content/uploads/2022/02/2AA526AF-185F-4A85-AF59-B368FE21EF06-740x1024.jpeg)
Talaabadaan ayaa la sheegay iney aad uga careysiisay Musharixiin uu ka mid ah Cali Jeeb ku jire, iyagoo dacwad ugu tagay Farmaajo, wuxuuna u sheegay inuu mar 2-aad kulan la qaadan doono Mr.Qorqor si uu culeys ugu saaro inuu Liiska ka reebo Musharax Mahad Salaad, tartanka ayaa la qaban doonaa 13-14-bishaan.