Dalka Ciraaq Oo Cadeeyay iney Deynta ay Somalia ku leeyihiin Qeyb ka Cafin doonaan

Africa News Somalia news

Agaasimaha Waaxda Geeska Africa iyo Suudan ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Dalka Ciraaq uu ku soo wargeliyay iney Dalka Somalia ka cafin doonaan qeyb ka mid ah Deynta ay ku leeyihiin, Go’aankaan ayaa daba socda Dalab ay Ururka Jaamacada Carabta hor dhigeen Dalalka Xubnaha ka ah…

Marka dib loo eego Deynta ay Dalka Ciraaq ku leedahay Dalka Somalia syaa dhan 187-Millions US$, deyntaasi ayaa ka bixiyay Sanadihii tagay, iyadoo Hogaanka Ururka Jaamacadda Carabta ay olole xoogan ka dhex bilaabeen sidii deynta looga cafin lahaa Dalka Somalia oo ka soo kabanaaya Diiftii Dagaalada Sokeeye iyo midka kooxaha argagixisada.

Dalka Masar ayaa la xusay iney kaalin weyn ka qaadatay deynta Cafinta iyo Horumarinta xiriirka Ganacsiga ee ay la leedahay Somalia, Heshiiska dhex maray labada dal (Masar-Somalia), ayaa dhigaaya in Masar ka furan doonto farac Bangiga Masar, talaabadaan ayaa sahleysa horumarinta iskaashiga Maaliyadeed ee labada Dal.

236200cookie-checkDalka Ciraaq Oo Cadeeyay iney Deynta ay Somalia ku leeyihiin Qeyb ka Cafin doonaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com