Maxaa ka Run ah in Mr.Dani uu Kala Diraayo Golaha Degaanka Degmada Garoowe

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe isbedel lagu sameynaayo Maamulka Degmada Garoowe isla uu diyaarinaayo Madaxweynaha Puntland Mr.Dani, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Maamulka oo magaciisa laga gaabsaday arrimo amni awgeed (Anonymous source)…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Madaxweyne Deni maalmahaan uu ku mashquulsanaa sidii Maamulka gacantiisa ugu soo celin lahaa, kadib markii uu dagaal mindhicireed uu la galay Kooxda Aaran jaan oo doorashadiisa qeyb weyn ku laheyn, wuxuuna xilalkii ka xayuubiyay dhamaan Taageerayaashii Kooxdaan kuna bedelay xubno isaga taageersan, wuxuuna magacaabay la taliyaasha amniga iyo arrimaha Ciidamada.

Mr.Deni ayaago’aansaday inuu kala diro Golaha Degaanka ee Degmada Garowe ee uu hoggaamiyo Axmed Muuse Siciid (Axmed Barre) oo lagu tilmaamo mid kamid ah guddoomiyaashii ugu wanaagsanaa ee magaalada hesho, Axmed Barre ayaa la doortey sanadkii 2018, waxaana muddo xileedkiisa ka dhiman 11 bilood oo keliya, Wararku waxay sheegayaan in lagu beddalaayo nin magiciisa lagu sheegay Axmed Jowle oo ah ganacsade, horey uga shaqeyn jirey Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

213450cookie-checkMaxaa ka Run ah in Mr.Dani uu Kala Diraayo Golaha Degaanka Degmada Garoowe