Deni Oo aan weli Xaqiijin Hadalo ka soo yeeray Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ee Muddo Kororsiga

Somalia news

Wararka laga helaayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanaayo tuhunka ah in Mr.Dani uu qorsheystay inuu mudada kororsado, wuxuuna taageero weydiistay Madaxweynaha Somalia oo lagu wado inuu kula kulmo magaalada Mogadishu dhawaan….

Ilo loo qaateen ah ayaa rumeysan Mr.Dani uusan Wasiirkiisa kula heshiis aheyn dhawaaqyada ka soo yeeraya, waxeyna farta ku godeen in qiil ka dhigashada Madaweynaha ee Qodobada Dastuuriga ah ayeey ku qeexeen ifafaalo muujineysa inuu u xuub siiban rabo muddi ju darsi, sida Saaxibadiisa Maamulada kale ee Gobolada.

Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha ayaa laga dhex akhrisan karaa inuu weli ku taagan yahay qorshihiisa ahaa inuu qabto doorasho deegaan kula soo dhex baxo 3-Xisbi kadibna mudada uu kororsado si ka baxsan Sharciga, sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah Dadka degaanka.

Ku darsoo, Dani ayaa ka laabatay go’aankiisii arrimaa shidaalka, wuxuuna taageeray heshiiska wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee kala saxiideen Dowladda Federaalka iyo shirkadda Coastline Exploration, iyadoo lagu wado inuu kulan gaar ah la yeesho Xasan Sheekh si Saaxiibadiisa Siyaasada Xilal muhiim ah loogu magacaabo.

221020cookie-checkDeni Oo aan weli Xaqiijin Hadalo ka soo yeeray Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ee Muddo Kororsiga