Share the post "Siyaasiyiintii Isbaheysigii Midowga Musharixiinta Oo Kulan Uga Furmaaya Mogadishu.."
Macluumaad hordhac ayaa xaqiijinaaya in Siyaasiyiintii Midowgii Musharaxiinta sida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo inuu shir wadatashi uga furmo Muqdisho…
Xogo loo qaateen sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka Dastuurka, gaar ahaan nidaamka ku dhisan Madaxtooyada ee Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, waxaana shirkooda la filayaa inuu wax ka bedelo saaxadda siyaasadeed ee dalka, isla markaasna Dhinacyada diidan Barnaamijkaan ay dhiiri geliyaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada gole, si loo meel mariyo qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo la filayo in 25 bishan November uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 4aad Golaha Shacabka oo la horgeyn doono wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.