Amaan xumo Baahsan Oo Ku soo Korartay Magaalooyinka Garoowe & Waqooyiga Gaalkacyo..

Somalia news

Maqaasidda shareecada Islaamka waxaa ugu horeeya ilaalinta nafta, Hadaba, in la ilaaliyo nolosha Muwaadiniinta waa mid dusha ka saaran kuwa u Kitaabta gacanta u geliyay iney Dhowraan Waajibaadka Diimeed iyo kan Dastuur, Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga reebo qof lagu fuliyey xukun Maxkamadeed oo caadil iyo kama dambays ah…

Magaalada Garoowe:-

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa isku dhac xalay ka dhacay magaalada Garoowe uuna dhex maray Boliiska iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta beeleysan ee loo yaqaano (Danab-Puntland), dagaalkaan ayaan la sheegin khasaaraha kadhashay, iyadoo dhinacyadaan hubeysan oo khikaafka ka dhaxeeyo muddo ku wada nool yihiin gudaha magaalada hadana waxey dhibaato ku yihiin Nafta iyo maalka Muwaadinka.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Sanadihii la soo dhaafay Muwaadininta Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxay ka raysteen Falalkii madax jabiska iyo ficiladii guracnaa ee ay kooxda shabaabka ku haysay, nasiib darose waxaa badelay caadaysiga dhiig xaq daro lagu daadinayo ee ku salaysan aargoosashada arxanka daran iyo aanooyin qabiil oo irdaha soo jabsaday kuwaasoo u dhexeeya Beelaha walaalahaa ee Gaalkacyo wada daga, Dhacdadii ugu dambaysay waxay dhacday taariikhdu markii ay ahayd 14-08-2023.

Waxaad moodaa xiisadaan Waqooyiga Gaalkacyo ka taagan in Ma’suuliyiintii Maamulka ee loo igmaday ilaalinta karaamadda iyo nolosha shacabka Puntland ay sheedda ka daawanayaan, Waxaa si joogta ah loo qurgoynayaa dad aan waxba galabsan oo Maamulkii ma’suulka ka ahayd aad moodid iney qabiilada ku halaynayso ayna leedahay iyaga ha heshiiyeen! Su’aashu waxay tahay Oday Dhaqmeed mas’uul kama Maamulka Puntland baa Mas’uul ka ah oo uu ximaayadeeda ku hoos jiraa mise qabiilka uu ka dhashay?

Talo soo jeedin

Marka hore, waa Mas’uuliyada wadareed u taala Maamulka Puntland, aqoonyahanka, Oday dhaqameedka, Culimada iyo Dhalinyarada iney u istaagaan joojinta dhiiga macna la’aanta ku daadanaya iskana qabtaan maafiyada beelaha walaalahaa madaxa isku galinaysa iyo cidkasta oo qayb ka ah hurinta colaadaan.

272800cookie-checkAmaan xumo Baahsan Oo Ku soo Korartay Magaalooyinka Garoowe & Waqooyiga Gaalkacyo..