Ma Dhabaa in Dowlada Italy ay Kulansiineyso Xasan Sheekh Iyo Abiy Axmed..

Africa News World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa in Dowlada Italy ay toddobaadkaan martigelinaya Kulan Madaxeed ay isugu keenayaan Madaxda Dalalka Afrika, iyadoo Martiqaadkaasi ay aqbaleen 15 Madaxweyne iyo 8-Ra’iisul wasaare, waxaana jira wakiilo kale oo Afrikaan ah oo ka soo qeyb galaya Kulankaasi.

Ujeddada Kulankaan ayaa ah in Maamulka Rome ay dalalka Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo “Piano Mattei” (Qorshaha Mattei), oo Dadka u dhuun-daloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu la mid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida, kadib markii dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd, inkastoo Dhaqaalaha Italy iyo guud ahaan Dalalka Europe uu xiligaan aad u hooseyo.

Ajandaha Kulankaan ayaan ku jirin in la wada hadalsiiyo Ethiopia iyo Somalia, balse Wasiirks 1-aad ee Talyaanigu Waxey qorsheynaysaa in xal laga gaaro Xiisada u dhaxeyso Soomaalia iyo Ethiopia ee Todobaadadaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay xaqiijiyeen Diblomaasiyiin arrimahaan u dhuun daloola.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaarada Italy Mrs.Giorgia Meloni habeenka Axada ay kulan casho ah uu isugu balimiso Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, maadaama shirka weyn ay ka soo qeyb galeyso Madax badan oo arrintaan aysan quseyn.

304200cookie-checkMa Dhabaa in Dowlada Italy ay Kulansiineyso Xasan Sheekh Iyo Abiy Axmed..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com