Mugdi Hareynaaya Masiirka Wada Hadalka Somalia & Somaliland…

Somalia news

Kadib heshiiskii isafgaradka Ethiopia & Maamulka Somaliland, ayaa la sheegayaa in wada hadaladii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland uu mugdi geliyay, iyadoo walaac laga muujiyay sii socoshada saameynta uu ku yeelan karo Jiilka soo koraaya iyo in Heshiiskaasi uu Degaanada u horseedi karo Colaado iyo dhiig badan oo daata…

Khubaro Soomaaliyeed ayaa la yaaba in 20 KM ee sida Howsha fudid uu Shaqsi keliye Dalka u bixiyey, Akhristow Bal google gareeya oo baara Saldhihyada Dowladaha China, France iyo USA ee ay ku leeyihiin Dalka Djibouti waxaan ogaan doontaa sida taxadirlka leh iyo Waddaniyadda ee Dalkaasi yari Dhulkiisa ku badbaadiyey, waxey diideen dalabka Ethiopia iyagoo dhaqaale ahaan xoog ugu tiirsan Ethiopia badelkii ay Saldhigyo siiyey dalal badan oo iska soo horjeeda si uu u sugo nabadiisa, Waxa uu bixiyeyna waa dhul yar oo xadidan iyo lacag naqad ah laga macaasho.

Dhulka Saldhigga ee Dowlada Djibouti ka kireysay Ciidamada USA waa Nus kilo mitir (0.5-KM) ayna digi karaan 5000 Askari. halka Dowlada China laga kireeyay Dhul baaxadiisu tahay (0.35-KM), Haddaba maxay tahay in Ethiopia oo ah Dal aan bad lahayn loo siiyo saldhig ciidan. Maxaa 20-KM looga jeedaa ku darsoo 90-KM oo Wado Tareen iyo Gadiid ayaa loo oggolaaday ilaa iyo Xadka, heshiiskaan ayaa soconayaa 50-Sano, maxaa lagu bedeshay Aqoonsi.

La isma weydiin in 20-KM maxaa ku jira Macdan iyo Shiidaal, hadii la soo saaro iyagoo iska leh, Ethiopia waxay awoodaa iney ka hirgeliso Dhul free zone ah iyo Deked, dib u arkimeysid maalinta ay dhisanto waxaa xirmaaya Dekedaha Djibouti iyo Berbera oo xamuul kala soo degaan.

304230cookie-checkMugdi Hareynaaya Masiirka Wada Hadalka Somalia & Somaliland…