Dalka China Oo Duray Hubka Dowladaha Galbeedku siiyaan Somalia

World

Warbixin uu soo saaray Danjiraha kuxigeenka China ee UN-ka ayuu ku duray Hubka & Saanada ay Dalalka reer Galbeedkii ugu deeqaan Dalalka ay la dageen colaadaha sida Somalia, ay ugu dambeyn u gacan galaan kooxaha Argagixisada, taasoo ah dhibaato hor leh ku ah geedi socodka Nabada iyo Xasilinta Amaanka…

Mr.Geng Shuang ayaa Maalintii Khamiistii wuxuu hadalkaan ka sheegay kulan loo dhan yahay ee Golaha Amaanka ee QM yeeshay, Kulankaan intii uu socday Danjirayaasha Russia & USA ayaa si adag uga dooday Qadiyadaan, iyadoo uu mid walba uu difaacay mowqifkiisa, iyadoo Maamulka Washington uu horseed ka yahay Wadamada reer galbeedka ee sida wryn hubeeyay Dalka Ukreine oo hadda ay ka socdaan gulufkii 3-aad ee dagaal lagu hoobtay.

“Hubka ku sii qulqulaaya Dalka Ukreine wuxuu kaliyah sii hurin karaan colaada” isagoo intaasi raaciyay inuusan xal Nabadeed oo waara u horseedi doonin Shacbiga dhiban ee guryahooda ka qaxay, Talaabadani waxey cadeyn u tahay in hubka la geeyo Dalalka Colaadaha ka hiraan Sida Somalia & Afghanistan ay ku dhamaadaan gacanta Kooxaha argagixisada.

212660cookie-checkDalka China Oo Duray Hubka Dowladaha Galbeedku siiyaan Somalia