Ethiopia Oo Heshiis Iibin Koronto la Gaartay Dalka Kenya

Africa News

Iyadoo uu taagan yahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Dalalka Egypt & Sudan oo dhinac ah iyo Ethiopia, murankaan ayaa salka ku haya Biyo xireenka ay Ethiopia dhistay ee Wabiga Nile, ayaa waxaa soo baxaaya in Ethiopia ay Korontada suuq u raadineyso…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxa suuqgeynta Wakaalada Korontada Ethiopia (EEC) Hiwot Eshetu, ayaa shaaca ka qaaday in Bisha Novembar ee Sanadkaan ay bilaabi doonaan iney Koronto ka iibinyaan Dalka Kenya, Heshiiskaan ayaa socon doona 25-sanadood.

Iyadoo heshiiskani la sheegay inuu 3-qeybood uu ka kooban yahay 3-bilood ee ugu horeysa, Ethiopia ayaa ka gadi doonto koronto 25-200 Megawatts, wakhtiga kala duwan, halka qeybta 2-aad ay awooda Korontada gaarsiin doonasn ilaa 400-Megawatts, wuxuuna qiimaha halkii Megawatts lagu iibin doonaa 6,5 cents US$.

Ethiopia ayaa ilaa hadda Korontada ka iibisa Dalalka Sudan & Djbuoti, waxeyna wada hoose kula jirta Dalalka South Sudan Tanzania iyo Maamulka Somaliland.

210350cookie-checkEthiopia Oo Heshiis Iibin Koronto la Gaartay Dalka Kenya