Share the post "Maamulka Puntland oo looga Digay Adeegsiga Awood-sheegashada Dadka ka Aragtida Duwan ee Degaanka.."
Warar argagax leh ayaa ka soo yeereysa Magaalada Boosaaso kadib markii Xafiiska Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Degmada ay amar qabasho iyo Eedo ku soo oogeen 4-Oday Dhaqmeed oo la xiriira Qodobada 164 (Khatar ku ah Bulshada ‘Kicin’), 168 (Mareegtada xaaladaha loo arko iney Bulshada khatar ku yihiin, 451 (Sumacd dilid) iyo 454 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Aflagaadeyn Madaxda Maamulka Puntland…
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka shaqsiga ah ee u dhaxeeya Mr.Xasan Sheekh iyo Mr.Deni kulan guudna la qabto, iyadoo Odayaasha kale ee amarka qabashada laga soo saaray ay kala yihiin:-
-Axmed Maxamed Maxamuud
-Axmed Xaaji Xasan Galaal
-Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf
Odayaashaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay wax ka bedelka lagu sameeyay 4-ta cutub ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, iyadoo Dood furan oo ku saabsan ismariwaaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa keeni karta fursado lagu (Xaliyo) wajaho qodobada la isku mari la’yahay.
Inkastoo Odayaasha aysan u codeyn wax-ka-beddelka Dastuurka-Mas’uuliyada waxay ku dhacday Xildhibaannada iyo Senatarada kasoo jeeda degaanada Puntland oo aan la kulmin wax cunaqabateyn ah, iyadoo ay muuqato in Maamulka Puntland uu ku xad gudbay Xuriytul qowlka ee Dastuurka oo baneynaaya iney afkaartooda si xor ah u dhiibtaan.
Awood sheegashada iyo Ku-takri-falka Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee lagu caburinaayo Muwaadininta afkaartooda si xor ah u dhiibta ayaa laga dhaxli karaa in degaanka uu u horseedo Dagaal sokeeye, waana iney si deg deg ah Maamulka Puntland u joojiyaan awood sheegashada Dadka ka araftida duwan, waxay khatar gelinaysaa xuquuqda muwaadiniinta iyo caburinta doodaha dimuqraadiga ah.