Ma Dhabaa in Madaxweynaha Puntland uu Safar Baaris Caafimaad ku tagaayo Dalka…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaaya in Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu safar-Baaris Caafimaad iyo arrimo kale ku tago Dalka Imaaraatka Carabta, halkaasoo la sheegay inuu la kulmi doono Mas’uuliyiinta Shirkadda DP-World iyo Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dalkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Deni uu magaalada Dubai la kulanka Saraakiil kamid ah Dowladda Imaaraatka Carabta oo ay ka wadahadli doono marxalada siyaasadeed ee Puntland, taakuleyn dhaqaale ee la siiyo, arrimaha ciidamada PMPF Puntland oo Imaaraatku taageero iyo khilaafka Puntland & DFS.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in safarka Mr. Deni ee Imaaraatka ay qeyb ka tahay baaris caafimaad, maadama xanuun uu dareemayay tan iyo bishii May oo uu ku jiray olalaha doorashada Golayaasha Degaanka ee degmooyinka Puntland, waqtiguna u saamixi-waayay in uu baxo.

Mr.Deni ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wajahayay culeys siyaasadeed & Gacan ka hadal khasaare nafeed geystay oo la xiriira doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Puntland, iyadoo qeybaha Mucaaradka Maamulkiisa ay dalbanaayan in hubanti la,aanta laga saaro doorashada Janaayo-2024, taasoo aan la ogeyn sida ay noqonayso.

264380cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Puntland uu Safar Baaris Caafimaad ku tagaayo Dalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com