Casir Cadaalad Buu Rabaa

Somalia news

Kadib Markii Gudoomiyahii hore ee Galmudug Cali Gacal Casir muddo 5-sano ah uu ka waday fowdo degaanasho la’aan Nidaam-Dowlad Goboleedka Galmudug, laguna dan gaaray Isla markaasna dembiyo dusha Loo saaray ayaa meel cidlo ah looga dhaqaaqay (Casir cadaalad buu rabaa!)…

Sababtuna waxey tahay Mr.Farmaajo, Oo qabyaalad jaceyl dartiis ayuu u meeleeyay ina adeerkiis (Maxamed Xaashi Carabeey) oo uu soo adeegsan jirey fowdeynta Galmudug, Wuxuuna Carabeey abaalgud uga dhigay, in loo magacaabo Agaasimaha guud ee Wassaarada Batroolka iyo Macdanta.

Halka Cali Gacal Casir cidlo looga tagay markii lagu danayste, isagoo aan wax xil ah loogu abaalgudin fowdadii uu Galmudug kawadi jirey, waxaana la sheegay inuu ku qancay in Biilka Hoteelka uu ka degan yahay Muqdisho laga bixiyo.

Iyadoo xiligaan uu gabaabsi yahay Muddo xileedka Maamulkaan Fashilmay Sow Mr.Xasan Cali Khayre ma haboona inuu isna ina adeerkii ka shidaal qaadan jirey inuu meeleeyo sidii Farmaajoba Ina adeerkiis u meeleeye?

39200cookie-checkCasir Cadaalad Buu Rabaa