Shirkadda Hormuud oo Lagu Eedeeyay Ku Xad-gudubka Hantida Qeyska Unlaaye ee Mogadishu..

Somalia news

Cabsho ay soo saareen Ehelada Marxuum Ganacsade Xaaji Ibraahim Uunlaaye ayeey Shirkadda Hormuud ku eedeeyeen iney si sharci darro ah uga dhisteen qeybo ka mid ah dhulal ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho oo ay lahaayeen qoyska Marxuumka oo dhismayaal badan ku leh magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho…

Waxeyna ugu baaqeen Ganasade Axmed-Nur Jimcaale, (Aasaasaha iyo Saami-laha weyn ee Hormuud), inuu ixtiraamo xuquuqda lahaanshaha ee faraca Marxuum Uunlaaye,’ ayuu yiri mid ka mid ah ehelada, oo racfaanka ka qaatay Boosaaso. Madaxda Shirkadda Hormuud ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeynta xad gudubka ah.

Qoyska Uunlaaye ayaa hanti ma-guurto ah ku leh bartamaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Xamar weyne iyo Shangaani, halkaasoo ay ku yaallaan labo ka mid ah Shaneemo uu ku lahaa Ganacsadaha geeriyooday oo kala ahaa Shineemo Centrale iyo Shineemo Xamar, Qoyska Uunlaaye ayaa xarun ganacsi oo ku leh agagaarka Shineemo Ceelgaab, una dhow Shinemo Super ee magaalada Muqdisho. Uunlaaye waxa uu caan ku ahaa hawlo samafal oo uu ka qaban jiray guud ahaan Somalia.

319320cookie-checkShirkadda Hormuud oo Lagu Eedeeyay Ku Xad-gudubka Hantida Qeyska Unlaaye ee Mogadishu..