Caadiyan Somalia, marka la gaaro xiliga kala guurka iyo isku diyaarinta doorashooyin ka dhaca Dalka, ayaa waxaa Caadi noqotay in Saraakiisha Maamulka ay bilaabaan boobka hantida iyo Dhaqaalaha Dowlada Federaalka iyo kuwa Shirkadaha….
Waxaa isku dhac ballaaran uu ka dhex qarxay Wasiirka Boostada Cabdi Canshuur Oo ka amar qaadanaya RW Xasan Cali Kheyre, iyo Guddoomihaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Rooble oo ka amar qaata Xafiiska MW Farmaajo, waxaana isku dhaca labada Mas’uul uu ka dhashay bixinta ruqsooyinka shirkadaha isgaarsiinta sida, Hormuud, SOMTEL, iyo kuwa kale oo badan.
Wasiirka Boostada Cabdi Canshuur ayaa doonaya Ina Wasaarada la hoos geeyo Dhaqaalaha ka soo xarooda ruqsadaha Talefoonada (License) iyo shirkadaha Internet-ka (Fiber optic), Tv-yada iyo Raadiyayaasga ay ku dhacdo koontada Wasaaradda Boostada taasoo uu amar buuxa ku bixiyay Wasiirka 1-aad.
Macluumaad hordhaca ah oo Diinah.com Loo Soo gudbiyay ayaa sheegaya in shaxdaan hoosta ku xusan lagu siinaayo qiimaha.
-Shirkadaha Isgaarsiinta Telefoonada. Ruqsad 5 Sano ah ($5 Milyan oo doollar) Tirada shirkadaha Isgaarsiinta ka diiwan gashan Wasaaradda ayaa la sheegay in ay yihiin lix shirkadood.
-Shirkada Isgaarsiinta Internetka xawaaraha dheer (Fiber Optic) Ruqsadda $4 Milyan oo doollar).
-Shirkada Isgaarsiinta Telefishinada. Ruqsadda 5 Sano $1 Milyan.
-Shirkadaha Isgaarsiinta Radiya. Ruqsadda 5 Sano 500.000 kun oo US$.
-Shirkada Isgaarsiinta bixinta adeegga TV. 5 Sano. 500.00 kun oo US$.
Waxaa ka dhashay khilaaf aad u xooggan oo ka dhexeeyay Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasiirka Boostada, taasoo la rumeysan yahay in uu isku dhacooda uu keeni doono in shirkadaha aanay bixin lacagaha tirada badan ee la rabo in looga qaado bixinta ruqsadaha ay ku shaqeeyaan.
Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaanan bixin wax canshuur ah waxaana la sheegay in sanadkii ugu yaraan looga baahnaa in ay bixiyaan canshuur ah, balse taa bedelkeeda ay bixiyaan oo kaliya laaluush ay siiyaan Hogaanka sare ee dalka iyo Wasiirka markaa ku magacaaban wasaaradda.