Ma Dhabaa in Guddiga Doorashada Puntland uu Qortay Shaqaale si Daah furnaan la’aan ah

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa tilmaamaya in Guddiga KMG ah ee Foorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa lagu eedeeyay iney shaqaale badan u qortay si ka baxsan hannaanka shaqaaleysiinta rasmiga ah ee tartanka furan, talaabadaan ayaa u muuqata mid lagu doonaayo in Maamulka uu boobo..

Wararka hordhac ah ayaa sheegay in Dhammaan Shaqaalaha cusub ee la qoray aan loo marin hannaan cad ee ku dhisan xulashada, balse waxaana qaybsaday sagaalka xubnood ee guddiga TPEC iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Dani sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah.

Wararka ayaa sidoo kale muujinaya in Shakhsiyaad ka tirsan Madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland ay keensadeen carruur ay dhaleen iyo dad ehelkooda ah kadibna uu guddiga TPEC u shaqaaleysiiyay, Qorista shaqaalaha aan marin hannaanka rasmiga ah ee tartanka furan ayuu weli sii wadaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland xilli dhowaan lagu wado in uu bilowdo barnaamijka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha.

Talaabooyinkaan ayaa su’aal gelinaaya kalsoonida lagu qabi karo doorasho uu qabto guddiga TPEC marka loo eego daah-furnaan la’aanta ka jirta hannaanka shaqaaleysiinta guddigaas, waxaana meel la iska dhigay hanankii horey loogu heshiiyay ee ahaa in shaqooyinka marka hore la xayeeysiiyo isla markaasna tartan furan la geliyo.

226170cookie-checkMa Dhabaa in Guddiga Doorashada Puntland uu Qortay Shaqaale si Daah furnaan la’aan ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com