Taariikhda Madow ee Aabaha Argagixisadda Somalia  

Somalia news

Fahad Yaasiin-kii magacyada badnaa oo ku caan baxay aamusnaanta iyo is-qarinta ayaa banaanka u soo baxay, isagoo lasoo shir-tagey wareysi maalmahan qabsadey hadal-heynta bulshada Soomaaliyeed, kaasoo uu bixiyay isagoo ku sugan dalka Turkiga…

Wareysiyadaan oo taxane ah lana soo diyaariyay iyadoo loogu tala galay in lagu carqaladeeyo isbedelada iyo guddiyo baara gabood-faladii dhacay oo haatan Hogaanka cusub uu ku guda jiro, Fahad oo xirfadiisa Wariyenimo ka Faa’iideysanaaya ayaa eedaha loo heysto qorsheeyay inuu dad kale dusha ka saaro.

Fahad Magacyo badane Waa kuma:-

Wuxuu sheegtay inuu ahaa Hooyo koris, (Xaliimo Daahir Sheekh) isagoo afkiisa ka dhowray inuu Abiihiis (Maxamed) soo hadal qaado, wuxuuna ku soo barbaaray Degmada Luuq iyo Xerada Kaakuma (Kenya), Fahad wuxuu dhashay 1977 ama 1978. Taariikhdiisa dadka inta badan kalama yaqaanaan, Baasabooradiisa Soomaaliga iyo Kenya waxaa ku qoran macluumaad kala duwan oo noloshiisa ku saabsan.

IFTIIMIN – Fahad hooyadiis waxa ay u dhalatay beesha Mareexaan, markii ay kala tageen aabihiis oo ka soo jeeda beesha REER-OW-XASAN, waxay guursatay Cabdulqaadir Gardheere oo Mareexaan ah isla markaasna Horjooge ka ahaa Maleeshiyaadkii Al-ittixaad ee ka talinaayay Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled xaawo ayna dileen Ciidamada Ethiopia, talaabadaasi ayaa sababtay in Fahad ku ababay qoys xagjirnimo.

Wuxuu qirtay inuu magacyo badan leeyahay, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Fahad Daahir Yasin, Fahad Axmed Daahir & Cabdiraxman Yasin ( Magaciisa Af-garashada (Abuu Camaara), isagoo sidoo kale diiday inuu soo hadal qaado Abiihiis (Wiil Caasi), warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Adeerkiis lagu helay dembiyo basaasnimo ah dagaalkii Somalia & Ethiopia sanadkii 1964.

DHEERAAD – Fahad Yaasiin ayaa lagu sifeeyaa ciil-qabe ku koray cuqdadda iyo xag-jir diimeed, oo ay ku ababiyeen hooyadiis iyo shaqsiyaad uu la koray, waxaa marqaati u ah labo arrimood, oo tan koowaad tahay, magacyada badan, Naceybka Abihiis iyo dhaqankiisa is-qarinta iyo masawir naceybka oo uu kala mid yahay astaamaha Horjoogayaasha Argagaxisada, waxaana lagu sifeeyaa inuu yahay Abaha Argagisixada, isagoo tariikh madow ku reebay Hey’adda Siroonka Somalia.

194420cookie-checkTaariikhda Madow ee Aabaha Argagixisadda Somalia