Wasaarada Kaluumeysiga Oo Xubno Ka Tirsan La Xiray

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya in dhowaan ay Xoogaga amaanka ay xireen ilaa saddex Xubnood oo ahaa Shaqaale ka tirsan Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka badan, kuwaasoo lagu soo oogay dembiyo kala duwan…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Saraakiishaan ay xabsi ku jiraan muddo todobaadyo ah, waxaana loo heystaa eedeymo la xariira musuq maasuq iyo wax is daba marin, Xubnahaan la xiray ayaa ka tirsan xafiiska Maaliyada ee wasaaradda, gaar ahaan Qeybta qasnada, iyo Xisaabiyr waxaana la sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku socdaan xubno kale oo qaarkood ay haayaan xilal sare.

Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliya waxay isla dagan yihiin wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaarado kale waxayna noqoneysaa wasaaraddii 2-aad oo muddo 10 cesho ka yar dad looga xiro musuq maasuq iyo wax is daba marin.

Maamulka Farmaajo ayaa intii uu xilka hayay Waxaa Wasaaradaha iyo Wakaaladaha Mas’uuliyiintooda lagu soo eedeeyay iney Lunsadeen hantida Qaranka, iyadoo Shaqaalahaan intooda badan la sii daayay.

40510cookie-checkWasaarada Kaluumeysiga Oo Xubno Ka Tirsan La Xiray