Weerarada Hoobiyayasha Iyo Khalkhal Amni Caasimada

Somalia news

Munaasabadii Furitaanka ee Kalfadhigii Barlamaanka Federaalka, ayaa cabsi amni darteed Waxaa laga wareejiyay Dugsiga sare ee Boliiska Oo kharash xoogan loo geliyay sidii munaasabadaasi u dhici laheyd, nasiib darro daqiiqadiihii ugu dambeeyay ayaa la Joojiyay….

Khalkhal Amni ee Caasimada ayaa noqday 3-dii sano ee u dambeysay mid hoos u dhac ku yimid, iyadoo Wadooyinka Magaalada la dhigay isbaarooyin Shacbiga lagu dhibo Oo baad joogto ah looga qaado marista wadada.

Xildhibaanad Sacdiyo Salaad Samatar, ayaa durtay Khubadii Madaxweynaha ee Furitaanka Kalfadhiga, waxeyna sheegtay in Cabsi Amni darro looga wareejiyay Dugsiga Sare, Talaabadaasi ay marqaati ka tahay.

Ilo xogogaal ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Mr.Farmaajo uu culeys ku saaray Gudoonada Labada Aqal iney Kulanka kalfadhiga u soo wareejiyaan Villa Hargeysa, iyadoo uu cabsi xoogan uu ka qabay warar sheegaya in Hoobiyayaal Lagu weerari doono Xarunta Dugsiga Sare.

Kooxda Shabaabka ayaa bilihii u dambeeyay Sare u qaaday weerarada Hoobiyayaasha ee Xarumaha Dowlada, Xarunta Amisom Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, inkastoo ay dhibaato ka soo gaartay Dadka rayidka ah.

40480cookie-checkWeerarada Hoobiyayasha Iyo Khalkhal Amni Caasimada