Gudi Loo Magacaabay Khilaafka Dowlada iyo Dowlad goboleedyada

Somalia news


Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay ‘Guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada’, kaasoo qabanqaabinaya shirka wadatashiga ee Aqalka Sare ku baaqay in laga yeesho arrimaha Doorasho laga wada raali yahay oo si nabad ah ku dhacda.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa kala ah:-

-Guddoomiyaha Aqalka Sare – Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

-Senator Cabdirisaaq Cusmaan Xasan (Jurille)

-Senator Cabdi Axmed Dhuxulow

-Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac

–Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)

-Senator Xuseen Sheekh Maxamuud

–Senator Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)

-Senator Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

-Senator Cabdulaahi Cabdi Garuun

41380cookie-checkGudi Loo Magacaabay Khilaafka Dowlada iyo Dowlad goboleedyada