Xildhibaano Ganafka ku dhuftay Xubno loo Magacaabay Guddiga Dib u Eegista Dastuurka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Xildhibaano oo u badan kuwo ka soo jeeda Degaanada Puntland ayaa ka horyimid ansixinta xubno uu Wasiirka 1-aad ee Dowlada Xil gaarsiinta u xushay iney ka mid noqdaan Guddig dib u eegista Dastuurka..

Xogtaan ayaa sheegtay in 11-Xildhibaan oo sy ka dhex muuqdaan Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ayaa Gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay Mooshinkii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 11-aad, waxeyna dalbadeen in la joojiyo arrinta 2-da Xubnood, iyagoo ku dooday ineysan waafaqsaneyn.

Wararka ayaa sheegay in dib loo dhigay ansixintaasi, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in la ansixiyo Xubnaha la magacaabay, waxeyna xubnahaan magacyadooda lagu kala sheegay:-

-Xaliima Jaamac Afrax

-Qareen Daahir Xasan Cabdi

194780cookie-checkXildhibaano Ganafka ku dhuftay Xubno loo Magacaabay Guddiga Dib u Eegista Dastuurka