Suuqyada Dalka Oo Laga Dareemay Kororka qiimaha Raashinka & Khudaarta

Somalia news

Guud ahaan ascaarta maciishada ayaa la sheegaya iney Sare u kaceen Suuqyada gaar ahaan noocyada kala duwan ee qutal-Daruuriga dalka ma mashruuc cusub oo ay Ganacsatada ku midoobeen mise Waxaa saameeyay Abaarta & Dagaalada Dalka Ukraine…

Warbixino welwel leh ayaa muujinaaya in Suuqyada kala duwan ee dalka gaar ahaan kuwa caasimadda ilaa gobolada waxaa laga dareemaya sare u kac aad u weyn oo ku yimid noocyada kala duwan ee maciishadda Quutul duruuriga ah, Waxaana heerkii ugu sarreeyay gaaray qiimaha Sonkorta, burka, Saliidda, Bariiska iyo Khudaarta.

Bur 50kg Q.hore $21 Q.hada $38.5
Sokor 50kg Q.hore $23.6 Q.hada $40
B.xamse 50kg Q.hore $39 Q.hada $47.5
Pasto fiino 10kg Q.hore $6.4 Q.hada $12
P.macaroni 10kg Q.hore $7 Q.hada $11
Saliid 5le 1caag Q.hore $5 Q.hada $14
Saliid 3le 1caag Q.hore $3 Q.hada $8.5
Saliid 20le 1caag Q.hore $ 18 Q.hada $45.

Qiimo korarkaan ku yimid maciishada noocyadeeda kala duwan iyo khudaarta ayaa kusoo aaddaya xilli guud ahaan waddanka ay ka jirto abbaaro ba’an oo qaarkood ay ku naf waayeen dad Soomaaliyeed iyo duunyadii ay dhaqanaayeen.

Dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan waddanka ayaa cabasho ka muujinaya sare u kaca ku yimid maciishada oo saameyn ballaaran ku yeeshay noloshooda maadama aysan awood dhaqaale oo ay arrintaas kula fal galaan aysan lahayn.

Haddaba, Sare u kaca ku yimid qiimaha la iibiyo noocyada kala duwan ee maciishada iyo khudaarta mala dhihi karaa waa mashruuc cusub oo ay ganacsatadu ku mideysan yihiin, Si faa’iido dhaqaale loo sameeyo iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo sare u kaca Shidaalka ee uu sababay dagaalka u dhaxeeya Ruusha iyo Ukraine.

176480cookie-checkSuuqyada Dalka Oo Laga Dareemay Kororka qiimaha Raashinka & Khudaarta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com