Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in qaar ka mid Shacbiga Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalkaasi ay cabasho xoogan ka Keenay Mas’uuliyiinta Safaarada Soomalida iyo Saraakiisha Shirkadaha Diyaaradaha…
Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee ku go’doonsan Magaalada Nairobi ay ku eedeeyeen Saraakiisha Safaarada iyo Shirkadaha Diyaaradaha iney Dadka ku dhibaan marka uu muwaadinka go’aansado inuu dalkiisa Dib ugu soo noqdo, waxaana lagu wargeliyaa in loogu baahan yahay Tigdhka diyaaradeed, iyo inuu bixiyo khudbadiisa u dhaxeysa 60-80 US$ oo laga baarayo inuu qabo Cudurka Caabuqa ee Covid-19.
Muwaadiniin badan oo diiday iney bixiyaan 60-US$, ayaa sharci darro ku tilmaamay lacagtaan, waxeyna toos u tagaan Goobaha Caafimaadka ee Kenya, kuwaasoo loo diiday in laga qabto warqadaha,Saraakiisha Safaarada ayaa ku tilmaama kuwo been abuur ah, lagana hor istaago iney safraan.
Horay ayaa Heeshiis ka dhaxeyey Safaarada iyo Shirkadaha Diyaaradaha ee warqadaha (Go Home-ka), iyadoona warqada safaarada oo sameysay heystaan Shirkadaha Diyaarada iyadoona meelna aadin kaa siinayaan 70-US$ ah