Maxaabiis Laga Soo Daayay Xabsiyada Dalka Cumaan

Somalia news

Maxaabiis Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 13 qof oo ku xirnaa xabsiyada dalka Cumaan ayaa dadaal dheer kadib lagu guuleystay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana maanta laga soo dejiyey dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Masuuliyiinta Puntland oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Magaalada iyo Masuuliyiin kale ayaa maxaabiistan kusoo dhoweeyey Puntland, waxaana ay balanqaadeen in loo samayn doono shaqo abuur.

Qaar kamid ah maxaabiistan ayaa falal burcad badeednimo ugu xirnaa sagaal sanno dalka Cumaan, waana tiro aad u yar marka la eego maxaabiista lasoo daayey iyo kuwa hadda ku xiran xabsiyada dalka cumaan.

42540cookie-checkMaxaabiis Laga Soo Daayay Xabsiyada Dalka Cumaan