Beesha Madaxweynaha ka Dhashay Oo Maleeshiyaad & Gadiid Dagaal u Dirtay Degmada Cadale

Somalia news

Iyadoo in muddo ah Beesha uu Madaxweynaha ka dhashay lagu dhaliilayey inay ka jiifteen halganka dalka looga xoreenayo kooxda argagixisada Shabaabka ayaa ugu dambeyn ay habeen hore iyo xalay ka ambabaxeen gaadiidkooda dagaalka, magaalada Mogdishu..

Warar qaar ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa lagu wadaa in xaruntooda dhexe loo xushay iney noqoto magaalada Cadale, inkastoo Beelaha uu ka soo jeedo Madaxweyanaha aysan u dhameyn abaabulka gulufkaan, waxaana jira guux hoose oo ka soo yeeraaya Jufooyinka qaarkood kuwaasoo eedeymo u jeediyeen Madaxweynaha oo xilalka ku tixay xisbigiisa iyo taageerayaashiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Fariisin dhexe KMG ag ka dhigto Degmada Cadale dhawaan si uu u hogaamiyo dagaalka la iskugu furayo Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele ay Hogaamin doonan gulufka colaadeed.

Dhanka kale, Warar is khilaafsan ayaa laga soo sheegaya in Horjoogayaasha kooxda Shabaabka ay bilaabeen in dhaawacyadii yaallay Degmada Aadan Yabaal ka daabulaan si ay uga bad baadaan duulaan lagu soo yahay halkaasi, waxey qorsheyeen iney u qaadaan Degaano hoos taga Gobolka Bay iyo Shabeelada hoose.

217270cookie-checkBeesha Madaxweynaha ka Dhashay Oo Maleeshiyaad & Gadiid Dagaal u Dirtay Degmada Cadale