Khilaafka Mas’uuliyiinta Waqooyiga Oo Saameeyay Somaliland

Somalia news

Waxaa Sare u kacay Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashada Mas’uuliyiinta gobolada waqooyi ee labada gole, kaasoo u dhaxeeya Ra’iisal wasaare kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka, iyadoo uu saameeyay degaanada Somaliland….

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa la sheegay iney taageero u muujiyeen Guddoomiyaha aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi, waxeyna uga digeen RW/Xigeenka Mahdi Guuleed inuu wiiqo Siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho ku sugan, Mr.Muuse Biixi ayaa sidoo kale qadka telefonka kula hadlay qaar ka mid ah Madaxweyne yaashii hore, walow aanay noo suurta gelin in aan helno shaqsiga uu la soo hadlay.

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo arrintaasi ka hadlay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in khilaafka ka dhexeeya guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu yahay wax laga xumaado wuxuuna intaasi raaciyay ““Haddii qabiil loo eego waan ka xumahay in labadoodii ugu sareeyey ee mid ahaa  guddoomiyaha guurtida ee aqalka sare ee Somalia, midna ahaa Ra’iisal wasaare ku-xigeen in la iska soo hor jeediyey, waxay ku tahay gunimo, waxay ku tahay fool xumo, waxaan leeyahay waar labadiinu wada hadla oo heshiiya”.

Siyaasiga ayaa taageero u muujiyey Cabdi Xaashi oo uu sheegay in uu xaq u leeyahay in wax laga weydiiyo xulista guddiyada gobolada waqooyi, maadama uu yahay mas’uulka u sareeya ee metela, sida uu hadalka u dhigay.

74460cookie-checkKhilaafka Mas’uuliyiinta Waqooyiga Oo Saameeyay Somaliland