Caqabadaha Hortaagan Mooshinka Ay Abaabuleyso Villa Somalia

Somalia news

Waxaa si hoose oo gaabis ah u socda abaabulka isku day mooshin oo ka dhan ah Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasoo gadaal ay ka riixeyso Villa Somalia, iyadoo adeegsaneysa Canshuurta Shacbiga Gobolka Benadir…

Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa aad uga carrooday markii uu Guddoomiyaha Aqalka Sare iclaamiyey shir dhex-mara dowladda Somalia iyo Dowlad gobaleedyada dalka, inkastoo Madaxtooyada ay markii dambe ogolaatay shirkaas, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka.

Qorshaha mooshinka looga keenayo Cabdi Xaashi ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo aad u adkeynaya in lagu guuleysto, kuwaasi oo durba la dareemayo.

Caqabadda hore:-ayaa ah sidii lagu heli lahaa taageerada senatoro ku filan oo diyaar u ah inay mooshinka qeyb ka noqdaan, ayada oo la rumeysan yahay in saameynta Villa Somalia ee Aqalka Sare ay aad u yar tahay marka loo eego tan golaha shacabka.

Caqabada Xigta:-, ayaa ah in xitaa haddii ay dhacdo in la helo taageerada loo baahan yahay, aysan cid qabata mooshinka oo guddoomisa, maadaama Cabdi Xaashi uusan qabaneyn mooshin isaga xilka looga qaadayo.

Caqabada U Dambeysa:-Haddii Cabdi Xaashi uusan qabaneyn, waxaa waajibkaasi uu ku dhacayaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo Villa Somalia aan la is-tusin. Abshir ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u diidan siyaasadda Villa Somalia.

Mr.Farmaajo ayaa adeegsanaaya Inadeerkiis Gudoomiyr ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mowliid Guhaad, hase yeeshee iyadoo uu joogo Mr.Abshir Bukhaari ma qaadi karo wax tallaabo ah, haddii uu qaadana waxa noqoneysa sharci-darro.

Ku darsoo:- Wakiilada beesha caalamka ayaan ogolaaneyn in xilligan kala guurka ah ee muddo xileedka dowladda ka harsan yahay bilo la galo qalaalse siyaasadeed. Waxaa sidoo kale Cabdi Xaashi loo arkaa sharci-dejiyey oday ah oo xal doonaya, maadaama guddoonka Golaha Shacabka ay noqdeen kuwa laga maamulo Villa Somalia.

42610cookie-checkCaqabadaha Hortaagan Mooshinka Ay Abaabuleyso Villa Somalia