Share the post "Banaabaxyo Lagu Dalbanaayo Matalaada Muqdisho Oo Abaabulkoodu Socda"
Maamulka Farmajo iyo Kooxaha taageersan ayaa qorsheysteen in dalka Xoog iyo qori caaradiis lagu qabsado haddii ay shaqeyn waayaan xeeladaha kale gabaabsiga ah, Rajada kaliya ee uu haray ayna sugayaan ayaa ah in dib ay u dhig to Doorashooyinka Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliima yarey, Maalinta Sabtiga ee fooda nagu soo heyso ee 27-Juun-2020….
Waxaa la diyaariyay Ciidamo u badan beelaha Marreexaan, Jareer, Raxanweyn iyo Dadka la sheego in laga tira badan yahay iyadoo saraakiisha ciidankaas ay u badan yihiin Dhulbahante, Warsagali, iyo Marreexaan, Murusade iyo Suleyman oo in muddo ahba tababaro gaar ah la siinayey waxaa ka mid ah Tiro Koox argagixisada shabaabka ka soo goostay oo si adag loo tashkiiliyey dhinac walba, iyadoo kuwa wadaadnimada aqbalyna jihaad loogu macneeyey waa loo socdo kuwa laga tira badan yahayna loogu macneeyey inay sharciga iyo awoodda uga aarsan doonaan beelihii dembiga ka galay awoowayaashood iyo iyagaba.
Dhanka kale Shacbiga Magaalada Muqdisho Oo qaati ka taagan, Maamul xumida Gobolka, Canshuurtooda Oo aan lagu dayactir in bil UCD’s Magaalada, Isbaarooyinka iyo Cunaqabateynta la saaray, isla markaasna laga xaqiray Xuquuqdoodii Muwaadinimo ayaa hadda wada abaabulo Banaanbaxyo balaaran oo ay ku dalbanayaan sidii ay shucuudtooda u muujin lahaayeen, isla markaasna uga tashan lahaayeen mustaqbalka aayahooda.
Isku soo duub Maamulka Faramajo Iyo Kooxaha taageera, waxaa ka go’aan inay gubato Somalia ama ay sii joogaan oo iyaga afar sano oo hor leh dalka ku hayaan sidaan iyo ka sii xun.