Puntland iyo Jubbaland Oo Taageeray Qoraalkii Hogaanka Senatarada

Somalia news

War mar dhaw naga soo gaaray Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si weyn u soo dhoweeyay qoraalkii ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaasoo looga falceliyay in xeerarka uu ka doodayo Golaha Shacabka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka inuu yahay mid been abuur ah, oo aan sharci aheyn…..

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in aanay aqbali doonin qeybna ka noqon doonin fulinta sharci ama xeer ka soo baxay Golaha Shacabka oo aan ku imaan wadatashi iyo xal siyaasadeed oo ay wada gaaraan dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileyda siyaasadda.

Dhanka kale Jubbaland ayaa ugu baaqday Golaha Shacabka inuu hakiyo, ka doodista, akhrinta iyo u codeynta xeerarka dhammeystirka doorashooyinka, isla markaana qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac weyn uu ka dhalanayo habraac doorasho heer federaal aan ku imaan wadatashi siyaasadeed ay qeyb ka yihiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

43660cookie-checkPuntland iyo Jubbaland Oo Taageeray Qoraalkii Hogaanka Senatarada