Ciidamada Puntland Oo Howlgalo Ay Qaadeen Ku Qabtay Xubno

Somalia news

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga bixiyay Howlgalo qorsheysan ay wada qaadeen Ciidamada Sirdoonka iyo kuwa Khaaska ee Puntland Oo ay ku guuleysteen iney soo qabtaan Shabakad Dhalinyaro ah oo isku xiran oo si hoose u waday Abaabulo iyo kicin….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Mid ka mid ah Xubnaha aadka ugu taageersan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo iyo Kuwo kale, ayaa lagala baxay hoygiisa oo ku yaal magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, Wiilkaan oo lagu magacaabo Saciid Cabdulqaadir Aw-Magan Horjoogena uga ahaa Kicinta Dhalinyarada Degaanada Puntland, waxaana la qabtay tiro kale oo dhalinayro ah.

Xubnahaan ayaa la sheegay iney dhiseen Shabakad isku xiran Oo Dhalinyarada Magaalooyinka Bosaso, Qardho, Garoowe, Gaalkacyo, waxaana madax (Horjooge) u ahaa Eedeysane Saciid Oo Dhaqaale iyo dhiiri gelibna ka heli jiray Madaxtooyada Villa Somalia, sida loo burburiyo Nidaam dowladeedka Puntland, sida laga soo xigtay Saraakiisha Amaanka Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay in dhowaan Sharci la hor keeni doono Eedeysanayaasha.

”Ma qarsanayno, waxaan farayaa Ciidamada Puntland meel kasta oo ay joogaan wixii bulshadan cadow ku ah goobtaad ku aragtaan ku tooga, maxkamadaha lala sugi maayo, maxaa yeelay cadowga hadda jira wajiyo badan buu yeeshay, cidkasta oo fal dambiyeed ku jirta oo wax fulinaysa goobteeda ha lagu toogto” ayuu yiri Mr.Saciid Dani

43580cookie-checkCiidamada Puntland Oo Howlgalo Ay Qaadeen Ku Qabtay Xubno