Dowlad goboleedyada Oo Dhuusa mareeb Ku Shiraaya

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxda Maamul goboleedyada oo Kulan keligood ah la filayaa in 8 bishan shir ku yeeshaan magaalada Dhuusa mareeb ee Galmudug….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wada hadalo dhanka khadka Taleefanka ah oo dhex maray ayaa la isku afgartay in Maamul Goboleedyada oo wadajir ah shir isugu yimaadaan, iyadoo la filayo in war murtiyeed laga soo saaro kulanka dhex mari doona.

Talaabadaan ayaa ka dambeysay Kadib markii uu fashilmay kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, markii ay qaadaceen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Waxaana jira Cadaadis xoogan oo ka imaanaya Wakiilada Beesha Caalamka oo doonaya in xal deg deg ah laga gaaro is-mariwaaga taagan, Wakiilada ayaa waji gabax kala kulmay kukankii ay soo qabanqaabiyeen, iyadoo Sidoo kale lagu Eedeeyay iney Xakameyn waayeen iney culeys ku saaraan Mr.Farmaajo inuusan qaadin talaabooyin carqaladeyn kara Kulankii Loo balansanaa Shalay.

46230cookie-checkDowlad goboleedyada Oo Dhuusa mareeb Ku Shiraaya