Maraykanka Oo Duqeyn Dhinaca Cirka ah Ka Fuliyay Shabeelada Dhexe

Somalia news

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyey Qeybaha Drones-ka ay duqeyn cirka ah ay ka fuliyeen Gobolka Sh/Dhexe degaan ka tirsan, kaasoo geystay khasaare….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Diyaarad kuwa Drones-ka Oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa gantaalo ku weerartay Bar kontrol oo kooxda Shabaabka ku leeyihiin degaanka Hantiwadaag ee gobolka Sh/dhexe.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay Mid ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab iyadoo lagu burburiyey Bartii ku lahayd halkaasi oo la sheegay inay ku dhibi jireen dadka ku socdaala wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Sh/Dhexe, loogana qaadi jiray lacago sharci daro ah sida warka loo dhigay.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeyntan aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee halkaas ku nool

Waa weerarkii ugu horeeyay ee Duqeyn ah oo Ciidamada Mareykanku ka fuliyaan Gobolka Sh/Dhexe tan iyo sanadkii 2017, iyadoo gobolka uu noqday meel Kooxda shabaab ay mudooyinkan ku xoogeysaneysay.

46960cookie-checkMaraykanka Oo Duqeyn Dhinaca Cirka ah Ka Fuliyay Shabeelada Dhexe