Fashilka Kooxda Villa Somalia Iyo Xiliga Kala Guurka

Somalia news

Waa dhab in la soo gaaray dhamaadka muddo xileedka ay Kooxda Talada heysa isku eedeeyaa khaladaadkii la geystay, Mr.Kheyre oo beryahanba la hadal hayey inuu ka lexan doono Mr.Farmajo si dhamaan wixii hallaabay duqa loogu wareejin lahaa isagana uu dhinac ka raacayo saamileyda siyaasadda….

Kooxdaan oo faankoodu ku fadhiyo year iney si sharaf leh ku dhameysan doonaan muddo xileedka, ayaa hadda astaamaha muuqanaaya ay muujinayaan in wixii hallaabay muddadii la wada joogay, waxaa ugu muhiimsan:-

Fashilka siyaasadda Arrimha gudaha:-

Waxaa lagu fashilmay Amaanka.

Xiriirka wada shaqeyneyd ee Dowlad Goboleedyada.

Wanaajinta Federaaleynta Dalka.

Isku Milinka awoodaha Golaha Sharci dejinta iyo fulinta.

Burburinta Ciidamada XDS,Boliiska iyo NISA. Fashilka Dib u Xoreynta Degmooyinka.

Kala geynta Shacbiga iyo isku dirkooda.

Caburinta Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta dalka.

Fashilka Siyadda Arrimaha DIbadda:

Ka talo iyo tusaale qaadasha Kaligii taliyaha Erateriya, Afawerki iyo Abiy Oromada Ethiopia,

Dacwaddii badda oo la dayacay lagana kala eryey Qareenadii dacwadda waday.

Go’aankeenna iyo diblomasiyadeenna oo ku soo kooban tay inaan fulino Rabitaanka Ethiopia

Jaamacada Carabta Oo Kaalinteenii aan ka gaabinay

Siyaasada Somalia Oo la hoos geeyay Imaarada yar ee Qatar oo la macaamisha Ururada Argagixisada.

47010cookie-checkFashilka Kooxda Villa Somalia Iyo Xiliga Kala Guurka