Khayre: “Muddo Kordhintu Waxey Horseedeysaa Qalalaase Siyaasadeed, Amni & Mid Dastuuri ah”

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Mr.Xasan Cali Kheyre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayuu ku caddeeyay ineysan dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo…..

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yiri.

https://www.facebook.com/238324080415835/posts/640976876817218/?vh=e

Mr.Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Dhanka kale, Mr.Farmaajo ayaa soo dhoweeyay baaqii Golaha Wasiirada iyo hadalkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in doorashada soo socota ay ku qabsoonto.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid uu ku yareynayo saameynta warkii Ra’iisul Wasaaraha, isagana leexinayo tooshka muddo kororsiga ee Madaxtooyada.

46910cookie-checkKhayre: “Muddo Kordhintu Waxey Horseedeysaa Qalalaase Siyaasadeed, Amni & Mid Dastuuri ah”