Rooble Oo Lagula Taliyay Inuu Xilka Ka Qaado 3-Wasiir

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa shegaaya in Wasiirka 1-aad ee xil-gaarsinta Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagula taliyay inuu xilka ka xayuubiyo 3-ka mid Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo lagu tuhmayaa iney qeyb ka yihiin dhibaatada, abaabulka colaadaha, isku dirka iyo kala geynta Shacbiga Soomaaliyeed…

Wasiiradan ayaa faafiya hadalo xanaf leh oo sii hurin kara colaada ka taagan Muqdisho ee laga cabsi qabo in dagaal daba dheeraaday ay isku badasho waxey ku dureen hadalo adag iyadoo aad ay u karaahsadeen shacabka Muqdisho.

Aqoonyahannada iyo dadka samaha jecel ayaa u arka Wasiiradan kuwa caqabad ku ah Nabadda iyo heshiis doorsho laga hirgeliyo guud ahaan Dalka, waxeyna toos ugu xeran yihiin Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, waxeyna kala yihiin:-

-Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dube oo Warbaahinta dowlada u bedelay mid u gaar ah Farmaajo.

-Wasiirka Amniga Xasan Xundubey oo u adeega Dowlada Dooxa iyo Farmaajo.

-Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Khadiija Maxamed Diiriye oo qeyb ka ah kala geynta iyo isku dirka Shacbiga Soomaaliyeed.

115410cookie-checkRooble Oo Lagula Taliyay Inuu Xilka Ka Qaado 3-Wasiir