Kulankii lagu wada hadal siinayay Dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa mar kale dib u dhac uu ku yimid, iyadoo la filayay inuu shalay oo 11-ka bisha July aheyd dib loo billaabo…..
Macluumaadka laga helaayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in codsi ka yimid maamulka Villa Somalia dartii uu u baaqday shirkaasi, waxayna codsatay in muddo toddobaad ah lagu kordhiyo balanta dambe.
Lama yaqaano sababta Maamulka Farmaajo u codaadeen in dib loo dhigo shirkaasi mudo todobaad ah, hase ahaatee waxaa xiligaan ku furan mowjado siyaasadeed oo kaga imaanaya mucaaradka iyo madaxda maamulada gobolada oo ka mideysan in doorashada dalka ay ku dhacdo xiligii loogu talagalay.
Jabuuti ayaa ku wargelisay maamulka Somaliland in uu shirka dib u dhac ku yimid, waxaana baaqday wafdigii Somaliland ugu qeybgali lahaa shirkaasi oo gelinkii danbe ee Sabtidii u qorsheysneyd inay u duulaan Jabuuti.
Dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa hore u kala saxiixday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii dowladihii hore, balse majiro ilaa hadda qodobo si rasmi ah uga fulay oo aan aheyn ‘isku socodka dadka’.