Dil Argagax Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Ceyrgaabo ee Gobolka Sanaag..

Somalia news

Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil bareer oo xalay ka dhacay magaalada Ceyrigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag kaasoo Dadka degaanka aad uga argagaxeen kadib markii Eedeysane uu abihiis dilay Degmadaasi..

Wararka ayaa sheegaya Eedeysanaha Dilka geystay oo  ka tirsanaa Xoogaga Amaanka Maamulka Somaliland, kaasoo si bareer ah aabihiis halkaasi ugu dilay, kadib muran iyo isku dhac muddo dheer soo jiitamaayay dhax maray Marxuumka iyo wiilka uu dhalay.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay wuxuuna qirtay in sababta uu u dilay ku fasiray inuu marar badan ku yiri kuma dhalin, sidaasna u dilay, Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhax dhacaya Qoysaska ayaa mudooyinkan kusoo badanaya Degaanada Dalka, dhawaan ayey aheyd markii Aabe isna magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay ku dilay wiilkiisa.

311930cookie-checkDil Argagax Dhaliyay Oo Ka Dhacay Magaalada Ceyrgaabo ee Gobolka Sanaag..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com