Digniino Laga Bixiyay Roobab Dabeylo Wata

Somalia news

Khubadarada saadaasha hawada ayaa ka digaya dabeylo xoogan oo laga cabsi qabo in a ku dhuftaan deegaano ka tirsan Bariga Afrika, Gaar ahaan Gobolada Waqooyi Bari Kenya, Konfurta iyo Bartamaha Somalia…

Qaybta saadaasha hawada ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dabaleyahan xooggan ay gurayaha saqafka kore ka qaadi karaan isla markaana ay sababi karaan burbur xoogan.

Sidoo kale Hey’adda Saadaasha Hawada ayaa sheegaya in xeebaha Somalia ay ku dhufteen dabeylo xoogan iyo roobab iswata oo khasaarooyin kala duwan geysan kara.

Digniinahan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay ilaa maanta ay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia laga dareemayo roobab isdaba joog ah oo wata qabow daran iyo dabeylo, waxaana meelaha ay saameeyeen ka mid ah Muqdusho, Marko, Warshiikh, Caddale iyo meelo kale.

48370cookie-checkDigniino Laga Bixiyay Roobab Dabeylo Wata