Ma Dhabaa In Barre Hiiraale Laga Horistaagay inuu Tago Degmada Garbahaareey 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-hortaag ay Maamulka Gedo ee garoonka diyaaradaha ay kaga celiyeen Barre Hiraale oo safar ku tagi lahaa Magalada Garbaharrey ee Gobolka gedo sida ay noo xaqiijiyeen xubno safarka ku weheliyey…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Diyaaradii uu muqdisho ka raaci lahaa ay culeys ay saareen Maamulka degmada Garbahaarey in aysan Muqdisho ka soo qaadi karin Barre Aadan Shire (Hiraale), Safarka Barre Hiraale ayaa lagu tilmaamay mid shaqsi ah ma jirto cid maalgalisay inuu tago Gedo.

Barre Aadan Shire ayaa wuxuu ahaa Horjoogihii hore ee Maleeshiyaadka qabsatay magaalada Kismaayo, waxaana lagu tilmaamaa inuu saameyn badan ku dhex leeyahay Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan waxaana safarkiisa ka muujiyay Maamulka Gobolka Gedo oo weli ka amar qaata Farmaajo.

Dhanka kale Sheekh Axmed Maxamed (Dhagaxtuur) oo ka tirsan Culimada Magaalada Nairobi ayaa baaq u jeediyay Saraakiisha Amaanka Kenya iney gacan ka geystaan Walaalkiis (Cabdisamad) oo laga afduubtay Xaafada Islii, isla markaasna ka codsaday Ummada Muslimiinta ah iney u soo duceeyaan.

199310cookie-checkMa Dhabaa In Barre Hiiraale Laga Horistaagay inuu Tago Degmada Garbahaareey