Xaliimo Yareey Oo Dhuusa mareeb Iska Xaadirisay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya In Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka ay gaartay maanta magaalada, iyadoo lagu wado iney warbixino ka siiso Madaxda Dowlada Goboleedyada iyo Kuwa Dowlada Federaalka oo ku kulmaaya halkaasi…

Guddiga ay Mrs.Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ay madaxda u tahay ayaa wajahaaya eedeymo ku Aadan iney u janjeerto Madaxweyne Farmaajo isla markaasna looga soo meeriyo qoraalada Villa Somalia, waxeyna horey u xaqiijisay iney xiligaan aan Dalka laga qaban karin doorsho qof iyo cod Oo xiligeeda ku dhacda.

Maamulada Dowlad goboleedyada ayaa isku raacay in la qabto doorsho dadban Oo heshiis lagu yahay, mar hadii xiligii loogu talo galay doorshada aysan ku dhici karin, inkastoo Maamulka Farmaajo ay aad u daneynayaan in muddo kororosi 2-sano loogu Dari.

Gudoonka Aqalka Sare iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ka digay in qorshaha Villa Somalia ay dhabaha u xaareyso qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, waxeyna soo dhoweyeen Go’aanada Dowlada Goboleedyada Heshiiska ay ku gaareen Magaalada Dhuusa mareeb.

48340cookie-checkXaliimo Yareey Oo Dhuusa mareeb Iska Xaadirisay